Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa Dalka Azerbiajan kaga qeybgalay shir calami ah sida uu isagaba ku cadeeyay bartiisa faceboob.
Shirkaan waxaa looga hadlay dhanka siyaasada ,amniga ,dhaqaalaha iyo ilaalinta xeerarka lagu heshiiyay.
“Waxaan Magaaladda Baku ee caasimadda dalka Azerbiajan kaga qaybgalay madal caalami ah oo looga hadlay arrimo badan oo quseeya adduunka gaar ahaan Amniga, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo illaalinta xeerarka lagu heshiiyay ee la xiriira dowladnimada”ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Shariif oo ka mida siyaasiyiinta u hanqal taagaya mar kale xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay inuu isagu si gaar ah uga hadlay caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira dalkeenna iyo dhibaatooyinka kooxaha Alshabaab iyo Daacish ku hayaan nidaamka Dowliga ah.
“Waxaan kaloo diirrada saaray sida ay muhiim u tahay in xasillooni iyo nabad waarta la heli karo oo kaliya marka dowladuhu ay ixtiraamaan dastuuradooda islamarkaana xoojiyaan ku dhaqanka sharciga, una hoggaansamaan muddo xileedkooda.
Sidoo kale wuxuu sheegay Xildhibaan Shariif inuu kulamo kala duwan la yeeshay madaxdii ka qaybgashay Madashaan caalamiga ah waxaana ka mid ahaa Madaxwaynaha Aserbajaan Mudane Ilham Aliyev.