Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Shariif Sh.Axmed ayaa barihiisa bulshada kaga hadlay dagaaladii cuslaa ee maanta ka dhacay dhowr aag oo ka mid ah Gobolka uu asal ahaan ka soo jeedo ee Shabeelaha dhexe.
Xildhibaan Shariif Sh.Axmed qoraalkiisa ayaa sidan u qornaa:-
Waxaan boggaadinayaa Geesiyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka oo si nafhurnimo leh kaga hortagay duullaanka kooxda argagixisada Al-Shabaab ku soo qaaday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe.
Waxaan u tacsiyeynayaa qoysaska geesiyaasha ku shahiiday dagaalka xaqa ah waxaana caafimaad deg deg ah u rajeynayaa kuwa dhaawacmay.
Duullaanka kooxda argagixisada ah wuxuu hoosta ka xariiqayaa sida looga gaabiyey la dagaalanka kooxaha caadeystay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan ku boorrinayaa hay’addaha ammaanka guud ahaan inay laba jibaaraan dagaalka lagula jiro kooxaha nabadiidka ah, waxaana madaxda dowladda Federaalka ah u soo jeedinayaa inay diirrada saaraan halganka loogu jiro dib u xoreynta dalka islamarkaana meel iska dhigaan siyaasadda ku dhisan kala qaybinta bulshada iyo xasarad abuurka.
Advertisement