Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildibaan Shariif Sh.Axmed ayaa munaasabada ciidul fidriga awgeed Hambalyo u direy Umada Muslimiinta Soomaaliyeed ah waxayna u qorneyd sidan:-
Waxaan hambalyada Ciida la wadagayaa dhammaan ummada islaamka ah gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Annigoo ka faa’ideysanaya munaasabadaan waxaan tahniyad gaar ah u dirayaa Ciidamada qalabka sida nuucyadooda kala duwan oo ay ka mid yihiin Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, Alifleyda Dableyda iyo qoysaskooda.
Geesiyaasha Qaranka Soomaaliyeed waxay ka soo dhalaaleen waajibaadkooda difaaca shacabka waxayna waqtigooda ku qaateen furimaha dagaalka, iyadoo qaarkood aysan helin fursad ay kula ciidaan carruurtooda iyo qoysaskooda.
Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku boorrinayaa in garab istaag loo muujiyo qoysaska danyarta ah si aan dhamaanteen farxad ugu wada ciidno.
Waxaan Allaah weydiisaneynaa in uu naga aqbalo cibbaadadii bisha soon-qaad, dalkeenana nooga dhigo Nabad iyo barwaaqo.
