MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay fadhigii maanta ay yeesheen Xildhibaanada ee lagu aqbalay codsigii Madaxweyne Xasan iyo dagaal maanta Muqdisho ku dhex-maray Ciidamada Dowlada Somalia dhexdooda.
Sheekh Shariif oo ka mida siyaasiyiinta xukun doonka ah ee mucaaradkana ku ah hab siyaasadeedka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar uu ka hadlayay dagaalka maanta ciidamada Dowlada dhexdoooda ku dhexmaray xaafado ka mida Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho wuxuu ku tilmaamay dagaalkaasi mid aad looga xumaado.
“Ciidamadda Dowladda in loo jiheeyo ayey ahayd ka shaqeeynta soo celinta Amnigga & la dagaalanka Argagixisadda. in maanta Magaaladda Muqdisho ay isku dileen runtii waa wax aad looga xumaado”ayuu yiri Xil.Shariif
Sidoo kale Xildhibaan Shariif wuxuu ugu baaqay hogaanka Dowlada inay tallada miiska soo dhigaan oo u soo laabtaan dariiqa saxda ah sida uu warka u dhisay,sidoo kale Xil.Shariif Sheekh Axmed wuxuu Wadajirka ummadda iyo wada-socodkeeda ku tilmaamay arin muhiim ah.
Dhanka kale Shariif wuxuu soo hadal qaaday doorashooyinka uu madaxweyne Xasan ku celceliyay in markaan laga dhigi doono doorasho qof iyo cod ah.
“Hadii sharcigga aad ku tumaneysaan, Danta Qaranka aad boobeysaan, sidee ayaa la idinkugu aamini karaa doorasho Qof & Cod ah” ayuu yiri Xil. Shariif Sh.Axmed
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM