Tababarkan ku saabsanaa xakameynta, ilaalinta xuduuddaha, baarista dukumintiyada iyo ka hortagga tahriibinta dadka, waxa si wadajir ah usoo qaban qaabiyay dowladaha Masar iyo Talyaaniga, kaasi oo ay qayb galay saraakiil kala kala socotay hay’adaha socdaalka 17 wadan oo Afrika ah.

Saraakiisha ka socotay hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa la baray habka loo ilaaliyo xuduudaha, baarista Dukumiintiyada been abuurka ah, iyo sida looga hortago dembiyada tahriibinta dadka.

Advertisement

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa xoogga saaraysa kobcinta aqoonta iyo xirfadda saraakiisha ka shaqaysa xafiisyadda kala duwan ee hubinta dukumintiyada ee lagu soo dalbado adeegyada ay Hay’addu bixiso.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here