Kooxo hubeysan oo ka tirsan Jab-hada Oromada ayaa la soo sheegayaa inay dileen masuuliyiin ka tirsan Dowalda Itoobiya.
Dilka ayaa ka dhacay sida la soo warinaayo Gobalka Waqooyiga Shewa ee Deeganka Oromiya gaar ahaan meel 70Km u jirta Magaalada Adis-Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya.
Dadka ay Jabhadu leysay waxaa ka mida Madaxii xafiiska biyaha ee gobalka,madaxii xafiiska ka hortaga masiiboyinka iyo madaxii maaliyada ee Gobalka.
Sidoo kale Jabhada Oromada waxay dilee hoggaamin qabalee ama Hogaamiye Tuulo iyo darawal.
Wararku waxay sidoo kale sheegayaa in Jabhada hubeysan ee Oromada ay aduubteen hoggaamin kale walina jawaab degdeg ah Dowladu kama bixin weerarkaani ay gaysteen Jabhada Oromada.
Dilalka iyo weerarada ay Itoobiya ka wadaan Jabhadaha Amxaarada,Tikreega iyo Oromada ayaa cadeyneysa amnida Dalka Itoobiya inuu faraha ka sii baxayo iyadoo Caasimada Adis-ababa iyo meelo yar oo kaliya maanta Dowladu si rasmi ah uga taliso halka dhulkii Itoobiya ay la wareegeen Jabhado hubeysan kuwaasoo raba inay Adis-ababa gaaraan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement