NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Beerta Uhuru Park ee Magaalada Nairobi waxaa maanta lagu wadaa in lagu qabto munaasabad loogu baroor diiqayo laguna xusuusanayo dadkii ku dhintay dibadbaxyadii dhawaan ka dhacayay Kenya kaasoo Dowlada looga soo horjeeday.

Sida qorshuhu yahay baroor diiqda ayaa bilaabaneysa  12-ka duhurnimo ee maanta wuxuuna soconayaa  ilaa 7-da fiidnimo ee caawa,iyadoo lagu wado inay ka soo qeybgalaan dadka u ololeeya arrimaha bulshada , xuquuqul insaanka,masuuliyiin Dowladeed iyo shacab intaba.

Advertisement

Barasaabka Caasimada Kenya ee  Nairobi Johnson Sakaja iyo fannaaniin ayaa qeyb ka ah dadka ka soo qeybgalaya isu imaadka loogu baroor diiqayo shacabkii ku dhintay dibad baxyadii Kenya ruxay kaasoo looga soo hor jeeday qorshihii Madaxtooyada ee ahaa canshuur kordhinta.

Munaasabadaan waxay ku soo aadeysa xili ay dhamaadeen  banaanbaxydii islamarkana madaxweyne Ruto cadeeyay inuu ka laabtay qorshihii canshuur kordhinta islamarkaana uu shacabka TV-ga kala hadlay taasoo keentay in xaaladu degto.

Isu imaadkaan iyo qaabka uu u dhaco wararkeena xiga ayaad ka heli kartaan insha Alllaah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here