War ka soo baxay Hay’adda xogta Biyaha iyo Dhulka Soomaaliyeed ayaa looga digay shacabka Magaalada Baladweyne fatahaad uu sameeyo wabiga.

Digniintaan ayaa sidoo kale ku socota deegaanada ku xeeran Baladweyne ee uiu maro isla wabiga shabelle oo hada sameeyay sara-kac.

Advertisement

Warka Hay’ada waxaa sidoo kale lagu shaaciyay in Wabiga Shabeelle uu ka sare maray heerarka keena inuu fataho islamarkaana uu joogo heer aad halis u ah.

Wabiga shabelle ayaa mara bartamaha Soomaaliya waxaana dhowrkii dhowrkii sanaba uu mar sameeyaa fatahaad khasaare nafeed uu ka dhasho.

Warka Hay’adaan ka soo baxay waxaa  waxaa looga digayaa shacabka inay ka feejignaadaan fatahaa uu sameyn karo mar kasta wabiga shabelle, waxaa si gaar ah loogu digay oo digniintaan ku wajahan tahay magaalooyinka kala ah Jowhar,Balad-weyne, Buulo Burte, Jalalaqsi iyo  Balcad.

Inta badan sarakaca wabiga waxaa uu nooga yimaadaa dhanka Itoobiya  gaar ahaan buuraleyda oo sababaya  in heerka webiga uu sare u kaco.

Masuuliyiinta Hirshabelle ayaa lagu wadaa inay wacyi-geliyaan shacabka si loo feejignaado madaama qoysas badan ay wabiga hoos degan yihiin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here