Wado dhex-marta Magaalada Kismaayo oo ay guryo ka dhisteen dad shacaba ayaa waxaa booqday masuuliyiinta Magaalada.
Gudoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed oo ay weheliyaan Gudoomiyaasha xaafadaha degmada, injineerada Dowladda hoose, iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Booliiska ayaa maanta cabiray wadada Ceelminishiibiyo ay Dowladda hoose hadda baneenayso.
Advertisement
Gudoomiyaha degmada Kismaayo ayaa sheegay in dadka xaafada ay wadadaasi marto looga baahanyahay in mudo sodon cisho ah ay ku baneeyaan, si dib u habeyn loogu sameeyo wadadaasi oo bulshada xaafadan degan mudnaan gaar ah uleh.
Advertisement