No description available.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya faahfaahino iyo sawiro muujinaya in dad badan oo shacaba caawa lagu xasuuqay Xeebta Liido kadib weerar qaraxyo ku bilowday oo kooxda Alshabaab ay caawa ku qaadeen dad shacaba oo ku sugnaa Liido.

Advertisement

Masiibadaan ayaa ku bilaabatay Qarax lala eegtay Hoteel Beach View ee Liido ku yaal waxaana la soo warinayaa in dad badan dabaqa hoteelka iska soo tuureen si ay uga bad-baadan qaraxyada iyo weerarka bahalnimo ee hoteelka dhexdiisa ay ka wadaan kooxda weerarka soo qaaday.

Sawirro laga helay Xeebta Liido ayaa muujinaya in dhalinyaro badan ay daadsan yihiin xeebta kuwaasoo dhimasho iyo dhaawacyaba isugu jira.

Wali tiro rasmi ah lagama hayo dhimashada  inkastoo sawirada ay aad u muujinayaan muuqaal naxdin leh marka la eego sida ay u bilqan yihiin shacabka marasta ah ee aan waxba galabsan.

Shacabka inta dhaawacyada qabta waxaa la soo sheegayaa inay gurmad dalbanayaan madaama ay dhiib baxayaan.

Tira koobka khasaaraha shacabka soo gaaray wararkeena xiga ayaad kala socon kartaan insha Allaah.

Ciidamada Amaanka Dowlada ayaa dad badan ka soo saaray goobta ay ku go’adoonsanaayeen sidoo kale dad badan oo dhaawacyo qabay ayay gurmad u sameeyeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

No description available.

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here