Wasiirka Awqaafta iyo diinta Dowlada Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa ka hadlay dhaliil loo soo jeediyay oo ah inuu $10 Milyan lunsaday isagoona si weyn u beeniyay.

Wasiirka oo saxaafada  kala hadlay arimo xajka ku saabsan ayaa soo hadal qaaday wararkaasi sheegaya inuu lacag lunsaday.

Advertisement

Wasiir Mukhtar Roobow wuxuu xusay inaaney waxba ka jirin eedaasi oo xitaa shirkadaha diyaaradaha aysan hal santi oo laag ah ka qaadin  islamarkaana la weydiin karo masuuliyiinta shirkadaha inay wasaaradu wax laaluusha ka qaaday hal santiba ha ahaatee.

“Nin culimaa’udiinka  inuu ka mid yahay lagu tiriyo ayaa malin dhaweyd igu yiri 10 milyan ayaad xajka ka dhacday,waxaan ku iri warkaasi maaha mid jira kadib ayuu hadana igu yiri lama socotid maahee gacantaada wax lagu qaatay”ayuu yiri wasiir Rooboow

Wasiirka wuxuu sidoo kale amaana shaqada wanaagsan ee ay sanadkaan ka qabteen arimaha xajka isagoo tilmaamay inay xitaa qaadeen talaabooyin ay musuq maasuqa kula dagaalamayeen.

“shaqadaa adag Alle SWT ayaa ku mahadsan oo nagu asturey madaama bulshada aan u adeeygeyno”ayuu mar kale yiri wasiirka

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Daawo: Muxuu Roobow ka yiri $5 milyan ee loo haysto?

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here