May be an image of 1 person and scarf
MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Sheekh Ibraahim Ciise oo dhawaan shaaciyay hadalo gaf ku ah sheekh Cusmaan Xidig Allaha u naxariistee xili waliba uu meyd ahaa dhalaaceyn ba’an kala kulamy bulshada.
ShiIkhan ayaa aad looga hadal hayay saacadihii ugu danbeeyay baraha bulshada iyadoo eedana dusha laga saaray maamulka masaajidka Cali jimcaale oo la sheegay inuu ka tirsan yahay walow maamulku beeniyay.
Sheekh Ibraahim Ciise laftigiisa ayaa qoraal soo geliyay bartiisa facebook wuxuuna ka hadley eedaha loo jeediyay isagoona ugu horeyn beeniyay inuu ka tirsan yahay maamulka Masaajidka Cali Jimcaale,sidoo kale wuxuu ka jawaabay eedaha bulshada kaga yimid.
Wuxuu beeniyay inuu shiikha u gafay islamarkaana shaqsi ahaantiisa wax ka sheegin balse uu ka hadlay kaliya kutubo uu qorey isagoona ku adkeystay in kutubada shiikha qaarkood ay bidco yihiin.
Hadaba halkaan ka akhriso qoraalka Sh.Ibraahim Ciise oo sidaasa u qoran:-
Bismillaah .
Qoraal aan xalay meeshaan kusoo qoray baa waxaa laga soo saaray waxyaaba badan oonan ku jirin sidaa darteed waxaan istusay inaan cadeeyo dhawr shaay :
1. Waxaan ucudur daaranayaa Masjidka Cali Jimcaale oo magacayga lagu gaaray laguna aflagaadeeyay , anigu waxba kama ihi , maamul iyo imaam toona , wixii aan soo qoro aniga naftayda ayaan ku matalaa .
2. Ma aaminsani , mana dhihin in sh cismaan xidig gaal yahay , mana gaalaysiin , in la dhihi karo allaha unaxariistana waa aaminsanahay … lkn kutub baan ka hadlay oo sheekha lafihiisa kamaba hadlin .
3. Waxaan aaminsanahay in kutubta sheekha ay ku jiraan qaladaad badan gaarsiisan bidcooyin iyo shirkiyaat oon cadaynteeda qofka ubaahan aan siin karo .
4. Waxaan arkay qoraalo iyo videos laleeyahay ; hala dilo iyo hala xiro iyo malalac noocaas ah waxaan leeyahay qoladaas : hadalkayga hadii aad si cilmi ah ugawada hadlayno waa gar waana ogolahay , lkn qaaqle iyo siyaasi saaqiday aniga waxba iiga cuni maayaan inay meelaha iga caayaan iyo hanjabaad , hadda ka hor ayaanba kusoo kacay ayadoo la leeyahay saakay uu gaalkacyo isku qarxiyay iyo hala dilo , walina waa noolahay .
5. ugu dambayn: Xaqa allaha nafahmsiiyo oo nagu dilo … wixii kutubta ku qoranna si cilmi ah halooga wada hadlo , illeen kuma baaba’ayaan in la iscaayee .
wabillaahi tawfiiq .
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here