Bangladesh Protests

DHAKA (DAYNIILE.COM)-Shacabka Dalka Bangladesh ayaa ku hamiya mustaqbal wanaagsan ka dib markii ay ku guuleysteen kacdoonkoodii ay ku rideen Ra’iisulwasaaradii dalkaasi mudada soo maamuleysay ee Sheikh  Hasina.

Advertisement

Shacabka waxay u dabaaldegayaan xil ka qaadistii hoggaamiyihii muddada dheer iyagoona laamiyada isugu soo baxay,sidoo kalana bilaabay nadaafada wadooyinka madaama ay kacdoonkooda ku wasaqeeyeen.

Maalin kadib markii militariga dalkaasi ay la wareegeen gacan ku heynta Bangaladesh kadib markii xilka laga tuuray Ra’isul wasaaraha dalkaasi, baarlamaanka magaalada caasimada ah ee Dhaka ayaa mashquul ku ahaa dibad baxayaasha oo dabaal daga.

Kacdoonka bulshada wuxuu socday hal bil, iyadoo ay  ku dhintay ugu yaraan 422 qof ,wuxuuna soo dhamaaday isniintii oo ahayd maalintii ugu dhimashada badneyd  iyo dhamaadka xukunkii kaligii talisnimada ku saleysnaa PM Sheikh Hasina tasoo diyaarad helicopter ah ugu carartay Hindiya.

“Waa xorriyadda jiilka da’da yar,” ayuu yiri arday Parvez Hossain, oo 30 jir ah, kana mid ah dadkii isugu soo baxay afaafka hore ee dhismaha baarlamaanka  ka dib markii  la kala diray.

Hossain waxa uu ka hadlay rajada uu u qabo bilow cusub iyo hamiga mustaqbal wanaagsan. “Hadda waxaan dib u helnay xorriyadda Bangladesh,” ayuu yidhi. “Waxaan dooneynaa inaan dalka ku dhisno qaab cusub mar kale.”

Rabshadaha ayaa bishii hore ku billowday mudaaharaadyo ay ardaydu hoggaaminayeen oo looga soo horjeeday kootada shaqada ee shaqaalaha dawladda waxayna isu beddeleen mudaaharaadyo ballaaran oo loogu baaqayo Hasina, oo xukunka haysay tan iyo 2009, inay shaqada isaga tagto.

   SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Bangladesh ProtestsBangladesh ProtestsBangladesh ProtestsBangladesh ProtestsBangladesh ProtestsBangladesh ProtestsBangladesh Protests

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here