Xulka Kubada Cagta Qaranka Somalia ee da’doodu tahay 17 jirada ayaa kulankoodii maanta guul weyn ka gaaray dhigooda Sudan oo ay ka hor imaadeen.
Xulkeena ayaana ku adkaaday Somal 1-0 Sudan,ciyaarta oo adkeyd ayaa qeybta hore ku soo dhamaatay bar baro 0-0 ahaa.
Qeybta labaad markii la isku soo laabtay ayaa ciyaaryahanka Sakariye wuxuu xulka Somalia u dhaliyay goolka guusha kaasoo shuut aad u qurxanaa isagoo ka toogtay meel xoogaa u jirtay goosha.
Xulkeena guushaan qiimaha lahayd waxay u suurtagelisay inay u soo baxeen wareegga afar dhammmadka tartanka U-17 AFCON CECAFA Qualifiers 2024 .
Boqolaal Soomaali ah ayaa garoonka ku sugnayd kuwaasoo garab taagnaa oo taageerayay wiilasheena 17 jirada Xulka qaranka kubada cagta Somalia kuwaasoo galabta dadaal badan muujiyay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM



















DAYNIILE.COM
Advertisement