Daqiiqado kadib toogashadii lagu dhaawacay madaxweynihii hore ee Mareyanka Donald Trump ayaa waxaa talaabo qaaday ilaada madaxweynayaasha Mareykanka kuwaasoo toogtay ninkii isku dayay inuu kaarajiyo Trump.

Bloodied Trump survives assassination bid

Advertisement

Musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka Donald Trump waxa  lagu dhaawacay dhagta midig kadib markii nin hubeysan uu isku dayay inuu dilo xili uu khudbad ka jeedinayay isku soo baxa olole doorasho oo ka dhacay gobolka Pennsylvania, taasi oo ay cambaareeyeen madaxda caalamka.

Madaxweynihii hore ee 78-jirka ah ayaa looga cararay masraxa, iyadoo dhiig uu ka daadanayay  wajigiisa ka dib toogashadii ka dhacday magaalada Butler maalinimadii shalay inkastoo ilaaladiisa ay isku gadaameen islamarkaana toogteen ninkii dhaawacay.

Trump ayaa gacanta u taagay dadkii badnaa markii la isku xirayay meel nabdoon, wuxuuna yiri ka dib:

Trump oo ka hadlaayay toogashada loo geystay ayaa sheegay “Waxaa la igu toogtay xabbad iiga dhacday qaybta sare ee dhegtayda midig.”

Hay’adda  FBI-da Mareykanka ayaa shir jaraa’id waxay ku sheegeen  in toogashadaani ahayd isku day dil lala damacsanaa Trump.

Adeegga sirta ee Maraykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in tuhmanuhu dilka fulin ranau  uu rasaas badan u ridey dhanka masraxa isagoo ka yimid meel sare oo ka baxsan bannaanbaxa lagu taageerayay Donald Trump.

Booliska Mareykanka ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa uu ku dhintay, labo kalena ay dhaawacyo halis ah soo gaareen, kuwaasi oo dhamaantood ahaa rag waaweyn.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa isna ka hadlay dhacdadaani wuxuu yiri

“qof walba waa inuu cambaareeyaa” isku dayga dil ee lala rabay  Trump.

“Ma ogolaan karno inay tani dhacdo,Fikirka ah in Mareykanka rabshado sidan oo kale ah ay ka jiraan waa wax aan horay loo arag” Biden ayaa mar kale sidaas  yiri

Ololaha Trump ayaa sheegay in uu wali ka qeyb gali doono Shirweynaha Qaranka ee Jamhuuriga ee Milwaukee ka dib markii la sheegay in uu sameeyay baaritaan caafimaad kadib dhaawaca soo gaaray.

Bloodied Trump survives assassination bid

Bloodied Trump survives assassination bidBloodied Trump survives assassination bidtrumptrumpBloodied Trump survives assassination bidBloodied Trump survives assassination bidBloodied Trump survives assassination bidBloodied Trump survives assassination bidBloodied Trump survives assassination bid

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here