Dowlada Somalia ayaa war ka soo saartay howlgal Saaka Alshabaab looga saaray tuulo ku dhaw Degmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgduud.

Warkaan oo lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Somalia ayaa sidaan u qornaa:-|

Howlgal afjar ah oo ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ay ka fuliyeen deegaanka Cali-cadhoole oo 33 KM waqooyi ka xiga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay toddoba (7) dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, waxaana lagu soo furtay hub iyo saanad ciidan.

Taliyaha Guutada 24-aad Khaalid Binu Waliid ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/Dhexe Maxamed Dhegaweyne ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in iyagoo kaashanaya ciidamada xaq u dirirka ah ee deegaanka ay fuliyeen howlgalkaas afjarka ah oo u dhacay sidii loo qorsheeyey.

Ciidamada ayaa ka war-helay in kooxdaasi ay si dhuumaaleysi ah ku joogto goobta lagu weeraray, waxaana u suurta-gashay inay soo afjaraan, iyagoo soo bandhigay sawirrada meydadka dhagarqabayaashii la dilay oo horjoogihii hoggaaminayey uu ku jiro iyo goobihii ay gabaadka ka dhiganayeen oo lagu burburiyey howlgalka.
May be an image of fire and treeMay be an image of 6 people and grassNo photo description available.May be an image of UluruMay be an image of mosquito net
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here