MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa  maalintii labaa galay Shir-weynaha Qaar ka mida Culimaa’udiinka Soomaaliyeed kaasoo shalay uu Madaxweyne Xasan Muqdisho ka daah-furey.

Qaar ka mida Culumada ayaa ka hadlay furitaanta ajandaha maalinta labaad ee shirkaasi iyadoo maant waxyaabaha laga hadlayo ay ka mid tahay ka doodista sidii loo mideyn lahaa Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee kala firqada ah balse dhamaantood wada heysta mad-habka shaaficiyada.

Advertisement

Sheekh Usuuli oo ka mida Culumada hadashay ayaa sheegay in hadafka ay shirka u joogaan ay tahay in la mideeyo quluubta Culumada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Shiikh Usuuli wuxuu sharaxaad ka bixiyay asal ahaan shirkan waxa uu ku saabsan yahay wuxuuna sheegay in shirku yahay mid looga hadlayo midnimada umada Soomaaliyeed.

“mar hadii midnimo laga hadlaayo waxaan ka bilaabeynaa midnimada Culimada oo kala argti duwan madaama ay yihiin indhihii bulshada”ayuu yiri Sheekh Usuuli oo muujiyay inuu rajo fiican ka qabo in culumada aragtiyadooda habka gudbinta diinta islaamka la mideeyo madaama islaam wada yihiin.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa isna mar uu soo hadal qaaday Alshabaa wuxuu carabka ku adkeeyay inay muhiim tahay sidii ay uga hortagi lahaayeen tilmaamaha alshabaab sida uu sheegay ay ka bixiyeen diinta Islaamka

“Khawariijtu sifaha qalafsan oo ay ka bixiyeen Diinteena, waa muhiim inaan ka hortagnaa.”ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COMMay be an image of 11 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of ‎one or more people, headscarf and ‎text that says "‎SHIRWEYNAHA CULIMADASOOMAALIYEED علماء مؤنعر محبر CULIMADA SOOMAALIYEED وامال 24 الجمهورية رئیس رعايةرئیس برعاية محمود شيخ حسن دا 出鞋 29 jul- Aug 2024 Jazeera Hotel‎"‎‎May be an image of one or more people, dais and text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here