BEIRUT (DAYNIILE.COM)-Sida aad sawirada ka arki karto waxaa la soo warinayaa inay dib xaafadahooda ugu soo laabanayaan shacabkii u dhashay dalka Lubnaan ee bilihii ugu dambeeyay ku barakacay dagaalada u dhexeeya Israa’iil iyo dagaal-yahanada Xisbullaah.
Meelaha ugu badan ee shacabku ku laabanayaan ayaa ah koonfurta Lubnaan iyadoo rajo laga qabo in xabbad joojinta ay gaareen xisbullaah iyo Israa’iil ay sii jiri doonto.
Xabad joojintaan oo ay ku dhawaaqeen madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa dhaqan galay saacadihii hore ee Arbacada maanta ah inkastoo heshiiska shalay la gaaray.
Heshiiska waxaa ku jira in ciidamada Yuhuuda ka baxaan mudo laba bilood ah dhulka koofurta Lubnaan islamaraana lagu badalo ciidamada Dowlada Lubnaan xili halkaasi ay hore uga howlgeli jireen dagaalyahanada Xisbullaah.
Milatariga ayaa ugu baaqay dadka in aysan ku laaban tuulooyinka safka hore ilaa ay ka baxayaan militariga Israa’iil.
Sidoo kale Ballanqaadka ah in la ixtiraamo qaraarkii 2006, ee ahaa in Xisbullah ay ka guurto xuduudda Israa’iil, ayaa udub dhexaad u ah heshiiska xabbad joojinta.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM