HomeWarkiiSAWIRRO: Reer Baydhaba oo isugu soo baxay daawashada Meydadka Alshabaab lagu laayay...

SAWIRRO: Reer Baydhaba oo isugu soo baxay daawashada Meydadka Alshabaab lagu laayay Daynuunaay

Boqolaal Shacabka reer Baydhabo ayaa isugu soo baxay fagaaraha magaalada halkaasoo la soo dhigay meydadka Alshabaab saakay lagu laayay deegaanka Deynuunaay ee dhaca duleedka Baydhaba.

Goobtaani oo la sheego inay tahay halka Baydhaba laga ilaaliyo waxaa saaka howlgal ka fuliyay Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed markaasoo ay dileen in ka badan 30 alshabaab ah kuwaasoo ah kuwa meydadkooda la daawanayo.

Shacabka oo oo aan wax cabsiya muujin ayaa isugu soo baxay inay daawadaan meydadka alshabaab.

Dhanka kale howlgalkaan waxaa sharaxaad dheeaad ah ka bixiyay Taliska qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalkii saakay khasaaraha xooggan ,waxay sheegeen in howlgalkaani khasaare lagu gaarsiiyay Ashabaab.
 Xasan Cali Sanweyne oo ah Taliyaha guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, islamarkaana hogaaminayay howlgalka  ayaa daboolka ka qaaday inay dileen 35 akshabaab ka tirsan sidoo kalana 60 ay dhaawaceen
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of one or more people, crowd and text that says "AVM ESTAURANT MIDNIMO 00000A LG :c :CBARXADA"May be an image of 1 person, crowd and textMay be an image of one or more people, crowd and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -