Qarax weyn iyo dab ayaa shalay ka dhacay deked ku taal koonfurta Dalka Iran oo la sheegay in lala xiriiriyay shixnad walxo kiimikaad ah oo loo adeegsaday gantaalaha, kaas oo ay ku dhinteen 25 qof ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad 800 oo kale.
Diyaarado Helicopters ah iyo diyaarado ayaa hawo ka caawinayay si loo bakhtiijo dabkii ka kacayay ilaa subaxnimadii Axada ee dekadda Shahid Rajeei.
Qaraxa ayaa dhacay xilli Iran iyo Mareykanka ay Sabtidii ku kulmeen Cumaan wareegii saddexaad ee wada xaajoodka barnaamijka Nukliyeerka ee Tehran ee sida xawliga ah u socda.
Dowlada Iran wali fah-faahin kama asan bixin iyo hadii ay jirto tuhun ah weerar la qorsheeyay oo kaga yimid banaanka.
Si kastaba ha ahaatee, xitaa wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Abbas Arakchi, oo hogaaminayay wadahadalka, ayaa Arbacadii qiray in “adeegyada amnigu ay ku jiraan feejignaan sare marka loo eego dhacdooyin hore oo isku day ah oo la isku dayey in la dumiyo iyo hawlgallo dil ah oo loogu talagalay in lagu kiciyo jawaabo sharci ah.”
Warbaahinta dowladda ayaa soo bandhigtay tirooyinka khasaaraha, iyadoo maamulka uu aqoonsaday 10 ka mid ah dadka dhintay oo ay ku jiraan labo dumar ah.
Waxa ay sidoo kale sheegtay in dhaq dhaqaaqii dekadda ay dib u bilowdeen, kuwaasi oo muujinaya muuqaalada konteenarada markab ganacsi oo laga soo dejinayo.
Shirkadda amniga ee gaarka loo leeyahay ee Ambrey ayaa sheegtay in dekeddu heshay kiimikooyinka shidaalka gantaalaha bishii March.
Waa qayb ka mid ah shixnad ammonium perchlorate ah oo laga soo raray Shiinaha oo ay laba markab u rareen Iran, oo markii ugu horreysay ay soo warisay bishii Janaayo ee Financial Times.
Kiimikada loo isticmaalo in lagu sameeyo gantaalada adag ayaa loo isticmaali doonaa in lagu buuxiyo kaydka gantaalada Iran,kaas oo ay ka dhammaatay weeraradii tooska ahaa ee ay ku qaaday Israa’iil intii uu socday dagaalka ay Xamaas kula jirtay Marinka Gaza.
“Dabka ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay si aan habboonayn oo loo maareeyay shixnadda shidaalka adag ee loogu talagalay in loo isticmaalo gantaallada ballistic-ga ee Iran,” ayuu yiri Ambrey.
Falcelintii ugu horreysay ee Axaddii, Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Iran Gen. Reza Talaeinik, ayaa beeniyay wararka sheegaya in shidaalka gantaallada laga soo dejiyay dekedda.
“Ma jiro nooc ka mid ah shixnadaha la soo dejiyay ama dhoofinta ee shidaalka ama dalabka militariga oo yaal (ama) goobta dekedda,” ayuu Afhayeenku u sheegay TV-ga qaranka
Afhaeeka wuxuu war aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay wararka Shisheeye ee ku saabsan Shidaalka Gantaalka in Dekada la keenay.
SOURCE AP (Associated Press)
XAFIISKA WARARKA
DAYIILE.COM