Iceland Volcano

Qarax folkaano ah ayaa ka dhacay meel u dhow Magaalo xeebeedka  Grindavik ee  Dalka Iceland oo ka mida kuwa yar yar ee ka tirsan reer Yuurub.

Advertisement

Folkaanadaan ayaa markii shanaad ka qaraxday dalkaani mudo sanad gudihiis iyada khasaare badana uu ka dhashay.

Qaraxan ayaa ka bilowday shalay galab  waqooyiga Magaalada Grindavik waxaana halkaasi  laga daad gureeyay  3,800 oo qof.

Sidoo kale Qaraxaan Foolkane waxaa loo diiwaan geliyay inuu yahay  kii ugu xoogga badnayd ee Dalka Iceland ka dhaca xiliyadaan dambe

Daawashada dabka ayaa bilaabatay wax yar ka dib markii uu dhamaaday qarax sideed todobaad socday oo ka dhacay inta u dhaxaysa Hagafell iyo Stora-Skogfell ee isla jasiirada Reykjanes.

Duulimaadyadu waxay si caadi ah uga sii socdeen garoonka diyaaradaha ee Keflavik ee caasimadda Reykjavik, sida lagu sheegay website-ka garoonka.

Difaaca madaniga ah ee Iceland ayaa heegan sare la geliyey, mas’uuliyiintuna waxay mar kale amar ku bixiyeen in la daadgureeyo dadka  Grindavik.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Iceland VolcanoIceland VolcanoIceland VolcanoIceland VolcanoIceland VolcanoIceland Volcano

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here