CAL-MISKAAD (DAYNIILE.COM)-Maamulka Puntland ayaa maanta soo bandhigay sawir iyo vedio muujinaya meydka dagaalame ajanabi ah oo daacish ka tirsanaa kaasoo ay ciidamada daraawiishtu ku dileen dagaaladii ugu dambeeyay.
Sidoo kale puntland waxay xustay guulo ay ka gaareen dagaalada saacadihii ugu dambeeyay gaar ahaan halka lagu dilay ninkaani ajanabiga ah oo ay ciidamadu qabsadeen gacan ku heynteeda.
Deeganada daacish laga qabsaday waxaa ka mida Qurac iyo Damdamle ee Togga Jeceel kuwaasoo ku teedsan buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari.
Howlgalkaan uu maamulku ugu magac darayu ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa maraya meel wanaagsan sida saraakiisha puntland xuseen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement