Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Munaasabad lagu xusayay Madaxweynihii Koowaad ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee mudane Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde).
Madaxweynaha oo Aadan Cadde ku tilmaamay aasaasihii dowladnimada Soomaaliya iyo hoggaamiyihii dimuquraadiyadda Qaradda Afrika ayaa sheegay in dowladdu ay hirgalindoonto Maktabad lagu kaydiyo taariikhda iyo wax qabadkii Madaxweyne Aadan Cadde oo ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay Afrika ee si nabad ah oo dimuquraadi ah xukunka ku wareejiyay.

Sidoo kale Ing. C/qaadir Aadan Cadde ayaa ka hadlay kaasoo ka sheekeeyay taariikhda aabihiis oo baal dahaba ka galay Afrila oo dhan.
C/qaadir Aadan Cadde wuxuu u mahadceliyay dhaman dadkii isku soo dubariday ama soo abaabulay munaasabadaan,sidoo kale wuxuu u mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya sida uu u aqbalay casuumaada ka qeybgalka xuska loo sameeyay  Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya Aadan Cabduule Cusmaan.
May be an image of 6 people and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 peopleMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of one or more people, crowd, dais and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 4 people and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here