CAL-MISKAAD (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Maamulka Puntland ayaa baraha bulshada ku soo bandhigay meydadka qaar ka mida dagaaamayaasha Kooxda daacish oo ay saacaidhii ugu dambeeyeen ku dileen dagaalka.
Sida warbixinta Puntland lagu cadeeyay meyadka Daacish ayaa daadsan Togga Jeceel,ee buuraha Calmiskaad.
Maamulka Puntland wuxuu sidoo kale warkiisa ku xusay in iyadoo ciidamadoodu jab xooggan gaarsiiyeen kooxda Daacish.

“Ciidamada ayaa hadda wada sifeynta haraadiga argagixisada, iyagoo saacadaha soo socda soo afmeeri doona”ayaa sidoo kale lagu yiri warka puntland ka soo baxay saaka.
Goobta dagaalku ka dhacay ayaa lagu sheegay deegaanka Haraaryo ee Togga Jeceel, sida uu baahiyay Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.
“Ciidanku waxay markale dhegta dhiiga u dareen, Argagixisada Daacish- deegaanka Haraaryo, Toga-Jaceel ee buuralayda”ayaa ka mida ahaa warka uu saaka soo saaray Maamulka Puntland.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here