ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Jaamacad u gaar ah Milateriga Itoobiya ayaa sanadkaan laga daah-furayaa Dalkaasi iyadoo bixineysa culuum kala duwan oo dhanka ciidamada iyo qalabkooda ah.

Jaamacadaan oo dhisma ahaan diyaarsan ayaa la soo sheegayaa inay sanadkaan ka mid tahay jaamacadaha ardeyda qaadanaya.

Advertisement

Jaamacadaan ayaa macquul ah inay askarta dalkaasi Itoobiya wax badan ka kororsan doonan madaama dhaman waxa lagu baranayo ay yihiin culuumta askariga ah waliba milateriga u qaas ah.

Dowlada Itoobiya ayaa ka mida dalalka Afrika ee xiligaan ugu badan dhanka ciidamada Milateriga ah sida la sheego waliba kuwa ugu tayada badan marka la eego geeska Afrika.

Soomaaliya oo lagu tilmaamay jirey Libaxyada Afrika marka dhanka Milateriga la dhaho ayaa mar qura aduunka iyo afrikaba ka hartay kadib burburkii Dowladii kacaanka ee Rabi ha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre inkastoo hada soo kabasho ay ku jirto.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 11 people and textMay be an image of 8 peopleMay be an image of 8 people and helicopter

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here