Gudiga Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta Muqdisho ka daahfuray Ololaha Qaran ee Diiwaan-Galinta Codbixiyaasha.
Munaasabad lagu daahfurayay Ololahan ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir , Wasiir Xagaa iyo Masuuliyiin kale.
Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in Somaliland iyo Puntland ay horey uga dhacday doorashada laakiin hadda ay ka bilaabi doonaan Gobolka Banaadir, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubaland & SSC Khaatumo
Guddoomiyaha Gudiga doorashooyinka madaxa banaan iyo sooh-dimaha Cabdikariin Axmed ayaa saxaafada u sheegay inay tagi doonaan Jubaland iyo Puntland si ay kala hadlaan arimaha doorashooyinka.














