Warbaahinta Dowlada ayaa lagu soo bandhigay gaadiid dagaal oo Alshabaab laga gubay gaar ahaana dagaalkii dhawaan ka dhacay Gobolka Shabeelaha dhexe.
Warbixinta warbaahinta Dowlada ayaa sidan u qorneyd:-
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha deegaanka ayaa guul weyn ka gaaray dagaalkii ka dhacay deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku jebiyeen kooxdii Khawaarijta ee weerarka kusoo qaaday.
Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa si geesinimo leh uga hortagay cadowga, iyagoo gubay dhammaan gaadiidkii dagaalka ee ay wateen Khawaarijta, halka qaar kalena ay gacanta ku dhigeen.
Sidoo kale, dagaalkii culus ee halkaas ka dhacay waxay ciidamada ku laayeen horjoogayaashii iyo maleeshiyaadkii Khawaarijta, halka firxadkii ka badbaaday ay ku raad joogaan si looga takhaluso.
Dagaal-geliyihii guud ee Maleeshiyaadka Khawaarijta, dhagarqabe Xasan Cabdiwaaxid Cabdi Dhicisoow (Xasan Gureey), iyo horjoogayaashii dagaalka u qaabilsanaa oo kala ah Daahir Buuxsade, Khaalid Jiis, Anas iyo Casaam, ayaa lagu dilay dagaalka, waxaana meydadkooda si rasmi ah loogu soo bandhigay warbaahinta.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa weli wada howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga guud ee gobolka Hirshabeelle, si loo ciribtiro kooxaha argagixisada ah ee cararaya.
Guushan muhiimka ah waxay mar kale muujisay adkeysiga iyo geesinimada Ciidanka Xoogga Dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira cadowga nabadda iyo horumarka ka soo horjeeda.May be an image of carMay be an image of 2 people and UluruMay be an image of 2 people and UluruMay be an image of camelNo photo description available.May be an image of jeepMay be an image of 2 people and rhinoceros
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here