Dowlada Somalia ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxay ku qabatay Munaasabad lagu xusaayay maalinta Macalinka Soomaaliyeed 21-ka November,waxaana hal ku dhiga laga dhigay macalinku waa hagaha mustaqbalka iyo sidoo kale milgo iyo maamuus waxaa mudan macalinka.
Wasaarada waxbarashada xukuumada Somalia ayaa soo qaban qaabisay waxaana ka soo qeybgalay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi-Barre, Wasiiro,xildhibaano, aqoonyahano ka socday bahda waxbarashada,ardey iyo qeybaha kale ee bulshada.
Masuuliyiin kala duwan ayaa soo jeediyay hadalo dhamaan lagu xusayay maalinta macalinka Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka November iyagoona wax ka taataabtay waxqabadka macalinka Soomaaliyeed iyo kaalinta uu kaga jiro horumarinta ardeyda.
Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre ayaa munaasabada ka sheegay in
Macalimiinta Soomaaliyeed ay soo mareen xilliyo adag, balse maanta lagu tartamo macalimiin tayo leh oo bulshada u adeegi kara.
“Macalimiinta waxaan leeyahay Hambalyo,wasaaradooda waxbarashada waxaan leeyahay Hambalyo,ardeydooda waxaan leeyahay Hambalyo”ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha
Senator Dr. Cismaan Dufle oo ka mida masuuliyiinta ka hadashay munaasabada ayaa sheegay in Macallinka qiimihiisa way ka weyn tahay, hal maalin in la xuso isagoona hambalyo u diray macalimiinta Soomaaliyeed guud ahaantood.
Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka hadlay munaasabadaan ayaa ku nuux nuuxsaday duruufaha adag ee ay macalimiintu ku shaqeeyaan,wuxuuna dhamaan macalimiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalintooda.
Sida Rasuulkeena Maxamed Salalaahu Caleyhi wasalam ku sifeeyay macalinka wuxuu ku sigtay inuu rasuul noqdo”ayuu yiri Gudoomiye Aadan Madoobne oo u mahadceliyay macalimiinta.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement