MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Diyaarad loogu magac daray Premier Airlines oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay mudo 33 sano ah waxay ka howlgashay maanta garoonka diyaaradaha Adan Abdulle Internaitional Airport ee Magaalada Muqdisho.

Diyaaradaan oo ah diyaarad Soomaaliyeed madaama ay ganacsatada Soomaaliyeed hantidooda ku soo iibsadeen ayaa waxaa ku buufsan Calanka Soomaaliya waana markii ugu horeysay oo tan iyo dowladii kacaanka wixii ka danbeeyay ay Somalia ka shaqa bilowdo diyaarad Soomaaliyeed.

Advertisement

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay ayaa lagu maamuusay daah furka shirkadaan diyaadaeed ee soomaalidu leedahay, waxaana ka soo qeybgalay Masuuliyiin sida Milkiilaha Diyaarada, Wasaarada Gaadiidka iyo duulista hawada, Hay’ada Duulista rayidka Soomaaliyeed, Gudiga Gaadiidka ee Baarlamaanka Somalia,Midowga diyaaradaha iyo maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Shirkadaan Diyaaradeed ee Premier Airlines 100%  waa shirkad soomaaliyeed, maxaa yeelay waxaa duuliyayaal ama pailot-yo ka ah Soomaali,waxay wadataa leysin Somali ah,waxay leedahay taargo Soomaali ah, waxaa ku buufsan Calanka Soomaaliyeed.

Milkiilaha Diyaarada Soomaaliyeed Axmed Diini oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay in shirkada Premier Airlines ay tahay shirkad dalka laga leeyahay,islamarkaana ay tahay Jet taasoo  sameyn doonta duulimaad international iyo local isugu jira.

“waa ku dhiiranay waana ku guuleysanay,waxaan u mahadcelinenaa Hay’ada duulista Soomaaliyeed oo garab nagu siisay sidaan u diiwaa gelin lahayn”ayuuyiri Axmed Diini

Milkiilaha Wuxu intaasi ku daray inay u soo dhameystireen inkaaniyaadkii looga baahnaa, islamarkaana ay maanta shaqa bilowday.

“taargadkeenu waa inaan daboolno baahida diyaaradeed ee dadkeena meel kasta ay Soomaalidu joogaan sida Jabuuti, Jig-jiga,Mandheera,wajeer,Hargeysa,Puntland iyo dhaman gobolada Somalia “ayuu mar kale yiri Milkiilaha

Dhanka kale waxaa sidaas oo kale hadalo kooban uga jeediyay Agaasimaha Hay’ada duuista rayidka Soomaaliyeed  ,Gudoomiyaha midowga diyaaradaha ,Agaasimaha Wasaarada gaadiidka iyo xubno kale kuwaasoo dhamaantood ugu hambalyeeyay shirkada Premier Airlines inay noqotay shirkad diyaaradeed tii ugu horeysay oo Soomaalidu leeyihiin oo ka howlgasha garoonka diyaaradaha adan abdule international Airport 33 sano kadib.

Dhanka kale Hay’ada duulista rayidka Somaliyeed ayaa shirkada Premier Airlines waxay siiyeen lanbarka 6O-PAA oo lagu aqoonsanayo diyaarada in gudaha dalka laga leeyahay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

=XIGASHO SAWIRADA UNIVERSAL TV =

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

=XIGASHO SAWIRADA UNIVERSAL TV =

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here