Qaar ka mida dalalka reer Yurub sida Britain,Spain,swedn iyo Farance waxaa ka socda banaan baxyo waaweyn oo shacabku ku dalbanayaan in la joojiyo dagaalka Gaza iyo xasuuqa Yuhuudu ku heyso caruurta iyo haweenka.
Kumanaan kun oo qof ayaa ku biiray mudaaharaad-ka ka socda Dalka Spain iyagoo ku baaqaya in la joojiyo weerarrada Israel ee Gaza Sabtidii shalay.
Sidoo kale wuxuu Mudaaharaad-ku socdaa Dalka France iyagoona socod ku soo maray goobo cayiman.
Dibad-baxa ka dhacay dalka Britain waxay shacabku isgu soo baxeen bannaanka safaaradda Israa’iil ee London, Dibad-baxayaashu waxay ku baaqeen in la joojiyo hubka laga iibinayo Israa’iil,
Sidoo kale shacabka dalka Sweden ayaa iyagana ku soo biireen mudaaharaad ka dhacay caasimada dalkaasi Stockholm,dhamaan shacabka reer yurub iyo xitaa kuwa Yuhuuda waxay wada dalbanayaan in la joojiyo dagaalka Gaza.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM