UTTER PRADESH (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Dalka India ayaa shegaya in shalay meel kulan diimeed uu ka jirey ay ka dhacdy isbuurasho ama is cariirin sababtay dhimasho iyo dhaawac badan.
Taliska Booliiska ayaa xaqiijiyay dhimashada 116 ruux oo u badan caruur iyo dumar, waxaana mushkiladaani ay ka dhacday tuulada Hathras oo hoos tagta Gobolka Utter Pradesh.
Tuuladaasi masiibadu ka dhacday waxay qiyaastii 200-KM dhanka koofur-bari uga beegan Magaalada New Delhi ee Xarunta Dalka India.
Wasiiru-Dowlaha Gobolka Uttar Pradesh, Yogi Adityanath oo ka ka hadlay sida dhibkaani ku yimid ayaa sheegaya in mintidiin hinduus ay aad isu buurteen xili ay rabeen inay taabtaan wadaad diimeedkooda sidaasna ay ku dhalatay isbuurashada dadka badani ku dhinteen xili heer-kulka dalkaasi uu wali aad u sareeyo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM