RAASKAN-BOONI (DAYNIILE.COM)-Iyadoo dagaalkii saaka ka bilowday aaga Deegaanka Raaskan-booni uu soo dhamaaday ayaa wararka la helaayo waxay sheegayaan in gabi ahaanba ciidamada Dowlada Soomaaliya laga saaray Raas-kan booni waxaana si buuxda u maamulaya kuwa Jubland.

Goobaha ay ciidamada Jubaland la wareegeen waxaa ka mid ah garoonka diyaaradaha, iyo buurtii saldhiga u ahayd ciidanka dowlada federaalka halkaasoo ay dagaalada ka hagayeen.

Advertisement

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamada Dowlada qaarkood ay maxaabiis ahaan u qabsadeen kuwa Jubaland halka qaar kaloo badana xuduuda Kenya u talaabeenn.

Dhanka Dowlada Somalia wali wax war ah kama soo bixin marka la eego guuldarada la sheegay in ciidamadoodu ka soo gaareen dagaalkii ay la galeen maamulka Jubaland.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 3 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 6 people

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here