DHAKA (DAYNIILE.COM)-Dalka Bangladesh waxaa laga soo sheegayaa dibad-baxyo rabshada wata kuwaasoo sababay dhimashada lix ruux.

Booliiska ayaa qaaday talaabooyin ay ka mid yihiin inay xiraa iskuulada iyo jaamacadaha kadib isu soo baxyada dhimashada sababtay.

Advertisement

Shacabka ayaa la sheegay inay ka cabanayaan arimo ku saabsan qoondada shaqooyinka dawladda,waxaana iska hor imaad uu dhexmaray shacabka iyo Booliiska.

Dugsiyada sare, jaamacadaha ayaa loo sheegay inay xirnaadaan ilaa amar dambe ka dib toddobaadyo ay sii kordhayaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo siyaasadaha Dowlada ee dhanka shaqaaleysiinta rayidka.

Talaadadii shalay waxaa si weyn u kordhay rabshadaha iyadoo dibad baxayaasha iyo kooxaha ardayda taageersan dowladda ay isku weerareen budad iyo ulal,iyadoo booliiskuna kala eryeen ,una adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaasta cinjirka ah.

Afhayeenka wasaaradda waxbarashada MA Khayr ayaa sheegay in amarka xiritaanka loo soo saaray si loo xaqiijiyo amniga ardayda.

Ugu yaraan lix qof ayaa la dilay Talaadadii iyadoo

Dibad baxayaasha ayaa maalmo kale sii abaabulaya dibad baxyo ka dhaca  dhowr magaalo, xili ay ka dhaga adeygeen baaqyo horay uga soo baxay Ra’iisul Wasaare Sheikh Hasina iyo Maxkamadda Sare oo ahaa inay joojiyaan banaan-baxyada sidoo kalana ardeydu waxbarashadooda wataan.

Agaasimaha Kulliyadda Caafimaadka ee Chittagong Mohammad Taslim Uddin ayaa sheegay inay sedex lixda dhimatay sedex ka mida ay nafta kaga baxday magaalada dekedda ah ee Chittagong,sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 30 ruux.

Sidoo kale 2 ruux ayaa ku dhintay magaalada caasimadda ah ee Dhaka, halkaas oo kooxo arday ah oo iska soo horjeeda ay isku tuureen bulukeeti islamarkaana xirteen waddooyin dhowr ah oo muhiim ah kuwaas oo hakiyay isu socodkii gaadiidka.

Qofka lixaad waxaa lagu dilay waqooyi-galbeed ee magaalada Rangpur sida uu sheegay taliyaha booliiska Mohammad Moniruzzaman kadib iska horimaadyo halkaasi ka dhacay.

Ardaydu waxay dalbadeen in la joojiyo nidaamka kootada oo u kaydsan in ka badan kala badh jagooyinka shaqaalaha rayidka ah kooxo gaar ah, oo ay ku jiraan carruurtii ay dhaleen askartii ka soo qaybgashay dagaalkii madax-bannaanida ee waddanka ee 1971-kii ee ka dhanka ahaa Pakistan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Bangladesh shuts schools and universities after six killed in protests

Bangladesh shuts schools and universities after six killed in protests

Bangladesh shuts schools and universities after six killed in protestsBangladesh shuts schools and universities after six killed in protestsBangladesh shuts schools and universities after six killed in protestsBangladesh shuts schools and universities after six killed in protestsBangladesh shuts schools and universities after six killed in protestsBangladesh shuts schools and universities after six killed in protestsBangladesh shuts schools and universities after six killed in protestsBangladesh shuts schools and universities after six killed in protests

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here