MOMBASA (DAYNIILE.COM)-Sarkaalad sare oo ka tirsaneyd gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Dalka Kenya  lagu dilay Magaalo Xeebeedka Mombasa.
Haweeneydaan oo magaceeda lagu sheegay Aisha Akinyi Abubakar ayaa lagu weeraray xalay waqti danbe gurigeeda oo ku yaal xaafadda Utange –Mkunguni ee deegaan baarlamaaneedka Kisauni ee ismaamulka Mombasa.
Kooxaha dilka uliyay oo Booliisku xuseen inay burcad ahaayeen ayaa guriga ka soo galay daaqada jikada markii ay soo jabiyeen waxayna madaxa ka jareen haweeneydaan xubinta ka ahayd guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha Kena ee IEBC laantiisa dowlad deegaanka Kilifi.
Sidoo kale weerarkaan waxaa lagu dhaawacay wiil ay dhashay sarkaalada la dilay kaasoo magaciisa isna lagu sheegay Qaasim Xassan waana 18 jir, xili inteysan dhiman hooyadiis uu geeyay isbitaal halkaasoo ay islamarkiiba ku geeriyootay.
Burcadaan waxay hore u sii qaateen Mobile-gacmeedkii Haweeneyda ay dileen walow ay suurtagal tahay in dhacdadaani burcadnimo ka weyn tahay oo arimo siyaasadeed ay faraha la geli karto.
Sidoo kale burcadaan waxay hore u sii qaateen agab kale sida telefishin, hannaanka cod-baahiyaha ,agabka iPad-ka iyo taleefoon kale ka hor inta aynan goobta ka baxsan sida ay sheegtay idaacada Star FM.
Booliiska ayaa shaaciyay inay wadaan baaritaano ku saabsan dhacdadaani iyo sidii ay ku soo qaban lahaayeen burcada oo tiradooda ay ku sheegeen 2 ruux kuwaasoo dhibaatadana ku geystay toorey.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here