Sida goor dhaw lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Howlgal qorshaysan oo ay ciidanka amniga degmada Berdaale ka fuliyeen deegaanka Kooney ayaa lagu dilay Macalin Qaddiid, oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, islamarkaana madax ka ahaa ururinta waxa ay ugu yeeraan Sakaawaadka oo ah lagacaha baada ah ee ay ka qaadaan shacabka ku nool deegaanada hoos yimaada degmada Berdaale ee gobolka Baay.
Sida ay saraakiisha ammaanka sheegeen, howlgalka ayaa yimid kadib markii la helay xog sirdoon oo ku saabsan halka uu ku sugnaa Macalin Qaddiid iyo xubno kale oo la socday. Ciidamada ayaa si taxaddar leh u weeraray goobta, iyagoo halkaas ku dilay horjoogahan, iyagoona kasoo furtay qori Ak 47 iyo mooto fekon, halka xubnihii kale ay qaarkood baxsadeen.




