MOOYAALE (DAYNIILE)-Wararka laga helaayo dhulka ismaamulka Marsabit ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Magaalada Mooyaale lagu dilay Sarkaal Booliis Kenyaan ah iyo waliba qof kale oo shacab ahaa.

Dilka Sarkaalkaan iyo qofka kale ayaa yimid kadib iska hor imaad ka dhacay goob macdanta dahabka laga qado oo ku taalla deegaanka hoose ee Hilo ee magaalada Moyale.

Advertisement

Gacan ku dhiiglayaasha ayaa hore u qaatay qorigii Sarkaalka Booliiska ahaa oo nuuciisu ahaa G3 Rifle iyo rasaastiisa oo dhameyd 20 xabo, wayna baxsadeen sida ay sheegtay idaacada Star FM ee ku hadasha codka waqooyi bari Kenya.

Sidoo kale waxaa dhaawacmay ilaa 10 kale oo saraakiil Booliis ku jiraan,waxaana socota qorshaha sidii lagu soo qaban lahaa kooxaha dhibatadaan ka danbeeya.

Sarkaalka la dilay oo magaciisa lagu sheegay George Mukoma ayaa ka mid ahaa ciidamo Booliis ah oo Dowladu u xilsaartay inay ilaaliyaan goobta dahabka laga qodo.

War booliiska ka soo baxay ayaa lagu sheegay in habeenki jimcaha ay kooxa weerarka soo qaaday ay yimadeen goobta daabka laga qodo kuwaasoo dhamaa 3kun ruux waxayna bilaabeen inay booliska dhagaxaan ku tuuraan markii ay booliisku iska caabiyeen waxay soo laabteen iyagoo maraan hubeysan waxayna gaysteen dhibaatada intaas la eg.

Booliisku ma cadeyn inay dahab qaateen iyo inkale balse kaliya waxay xuseen inay sarkaalna dileen 10 kalana dhawaceen kadibna baxsadeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here