HomeWarkiiSarkaal ka tirsanaa Xamaas oo Gaza lagu dilay

Sarkaal ka tirsanaa Xamaas oo Gaza lagu dilay

Ciidamada Israel ayaa weli sii wada weerarada ay ka geysanayaan marinka Gaza, iyagoo ku dilay Khan Younis sarkaal ka tirsanaa Xamaas Salah al-Bardawil, ka dib maalin ay dhaceen duqeymo aan kala joogsi laheyn oo ay ku dhinteen ugu yaraan 34 falastiiniyiin ah.

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale weeraraya koonfurta Lubnaan ka dib markii la sheegay in lagu weeraray gantaal, oo ay ku dhinteen ugu yaraan 7 qof, isla markaana ay halis galiyeen heshiis xabad joojin ah oo ay la galeen Xisbullah afar bilood ka hor.

Dhanka kale Mareykanka ayaa sii wada weerarada dhanka cirka ah ee uu ka wado dalka Yemen, isagoo saddex weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha ee Xudeydah iyo mid kale oo lagu weeraray dekedda As-Salif ee Badda Cas, sida ay sheegtay warbaahinta Yemen.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 49,747 falastiiniyiin ah la xaqiijiyay inay dhinteen 113,213 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza.

Xafiiska warbaahinta ee dawladda Gaza ayaa cusboonaysiiyay dhimashadeeda in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumanaan Falastiiniyiin ah oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.

Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay 7-dii Oktoobar 2023 in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -