HomeWarkiiSarkaal ka tirsan Maamulka Galmudug oo goor dhaw lagu dilay Gobolka Galgaduud

Sarkaal ka tirsan Maamulka Galmudug oo goor dhaw lagu dilay Gobolka Galgaduud

CABUD-WAAQ (DAYNIILE.COM)-Sarkaal ka tirsan ilaalada Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa goordhow lagu dilay inta u dhaxaysa Balanbale iyo Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud xili safar ay ku jireen.
Allaha u naxariistee ninkaan oo lagu magacaabo Sadi Caanood ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa saraakiisha ilaalada Madaxweyne xigeenka Maamulka Galmudug walina si rasmi ah looma oga kooxda dishay waxay yihiin.
Wararka qaar ee horu dhaca ah ayaa sheegaya in loo maleynayo in aano qabiil loo dilay sarkaalkaani oo aaney siyaasad ama alshabaab midna ku lug lahayn walow baaritaan la bilaabay sida wararka qaar durba sheegayaan.
Ciidamo ka tirsan madaxtooyada Galmudug ayaa dhaq dhaqaaqa baaritaanka bilaabeen kuwaasoo lagu wado inay saxaafada la wadaagay cida rasmiga ah ee ka danbeysa dilka sarkaalkaani.
Sidoo kale waxaa Sadi Caanood la socday saraakiil kale kuwaasoo la sheegay inay ka bad-baadeen shirqoolka lagu dilay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
h.May be an image of 1 person
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -