LUUQ (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Degmada Luuq ee Gobolka Geddo ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan Alshabaab uu isku soo dhiibay ciidamada Dowlada Somalia gaar ahaan kuwa Nabad sugida iyo sirdoonka qarankla ee Degmadaasi ka howlgala.
Sarkaalka oo wareysi Dowladu la yeelatay ayaa sheegay inuu uga soo tagay Alshabaab nolosha oo ciriiri uu ku dareemay sidaas daraadeedna uu uga soo tagay.
Mar uu ka hadlayay ujeedka dagaalada ay u wadaan ayuu meesha ka saaray inay lacag u dagaalamaan alshabaabku balse wuxuu xusay in laga dhaadhiciyay hadaf inay u dagaalamaan.
Sidoo kale dhalinyarada Alshabaab jirta ayaa ugu baaqay inay isaga soo tagaan isagoona u sababeeya nolosha ay ku jireen ee ciririga ah.
“waxaan go’aansaday inaan ka soo tagay markii ay aad iigu adkaatay nolosha si weyn ayaana la isoo dhaweeyay” ayuu yiri sarkaalkaani Alshabaab ka soo goostay
Sidoo kale wuxuu sheegay inuu Alshabaab kaga biirey tuulo barwaaqo islamarkaana uu la shaqeynayay mudo 9 sano ah.
“meelihii aan ka soo shaqeeyay waxaa ka mid ahaa Degmada Ceel-cadde oo taliye saldhig aan ka soo noqday,dagaalada waxaan ka qeybgalay dhowr dagaal sida dagaal ka dhacay cabdala biroole iyo dagaal aan itoobiyaanka la galnay”ayuu yiri mar uu ka hadlayay xiliyadii uu la soo dhaqeynayay Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM