DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo deegaanada Maamulka Galmudug gaar ahaan Gobolka Gal-gaduud ayaa sheegaya in halkaasi lagu qabtay sarkaal ka tirsan kooxda Alshabaab.

Ciidamada Booliiska Galmudug ee Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa Sarkaalkaan oo magaciisa lagu sheegay Idiris Maxamed Sheekh waxay ka soo qabteen Deegaanka Mareergur ee Gobolka Galgaduud.
Taliska Ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Qarakanka ee NISA qeybtooda ka howlgasha Galmudug ayaa lagu wareejiyay si sharciga loo horgeeyo sarkaalkaani oo mudo badan kooxdaasi ka tirsanaa.
Ma badna kuwa Ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanku soo qabtaan balse waxaa aad uga badan kuwa iskood isku soo dhiiba iyagoona cadeynaya inay fikirkaasi ka tanaasuleen sababo badan sida duruufaha ay ku nool yihiin,cabsid ay ka qabaan in la dilo iyo garasho shaqsi marka ay la xumaato ficilada kooxdaasi sameynayaan.
May be an image of 1 person, beard and smiling
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here