Ciidamada dib u xoreeynta deeganka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo si dhuumaaleysi ah ku joogay deegaano hoos tago degmada Ceeldheer.

Ninkaan oo magaciisa ku sheegay Cabdi Maxamed Cumar ayaa dhowr sano ka tirsanaa Khawaarijta, wuxuuna uga biiray gobolka Bakool, sida uu sheegay Maxamed Khaliif oo ka mid ah saraakiisha hoggaameysa ciidanka soo qabtay dhagarqabahaan.

Howlgalka lagu soo qabtay Cabdi Maxamed Cumar ayaa ka dhacay inta u dhaxeeysa deeganada Qorya-wayn iyo Hulcaduur oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
May be an image of 5 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 7 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here