BUUR-HAKABA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada daraawiishta Maamulka Koonfur galbeed ay qabteen Sarkaal ka tirsanaa kooxda Alshabaab.

Sarkaalkaan oo magaciisa lagu sheegay Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa laga soo qabtay deegaanka Kuunyabuurow ee hoos tagta Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay.

Advertisement

Howlgalka lagu soo qabtay sarkaalkaan lagama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Bilahaan danbe waxaa soo badanaya saraakiil iyo dagaalamayaal Alshabaab ka tirsan oo isa soo dhiibaya iyo kuwa ciidamadu howlgalo ku soo qabanayaan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.CON

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here