BUULO-XAAJI (DAYNIILE.COM)-Sida goor dhaw lagu baahiyay baraha bulshada ee Maamulka Jubaland waxaa goor dhaw lagu dilay deegaanadaasi Sarkaal la tirsan kooxda Alshabaab.
Sarkaalka waxaa lagu dilay saaka meel u dhow deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubada hoose kaasoo lagu magacaabi jirey Warsame Barre Sugow.
Advertisement
Saraakiil ka tirsan ciidanada Maamulka Jubada hoose ayaa warkaasi u sheegay warbaahinta iyo dhanka socida oo ay Jubbaland adeegsato gaar ahaan jubaland media.
Maaha markii ugu horeysay oo ciidamada Jubaland iyo kuwa Dowlada ay soo bandhigaan sarkaal ay Alshabaab uga dilaan dagaalada ka socda Gobolka Jubada hoose.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement