Sida ay sheegtay idaacada Ciidamada Wafdi saraakiil ah oo ka socdo Taliska tababaradda Ciidanka Xoogga dalka iyo Hoggaanka howlgalinta Xoogga dalka ayaa manta gaaray Magaalada Xuddur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Wafdiga Saraakiisha waxa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey Maamuladda Degmooyinka Xudur Tiyeeglow iyo Rabdhuure iyo saraakiisha guutada 9-aad qeybta 60-aad XDS.

Saraakiisha ka soctay taliska xoogga dalka Soomaaliyeed waxay booqasho ku tageen xeradda tababarka ciidanka oo uu tababar uga socdo Askar cusub oo ku soo biiray ciidanka XDS.

Wafdi saraakiisha waxay kulan la qaateen maamulka gobol Iyo kan degmada oo ay kawada hadleen dardar gelinta howlgaladda Khawaarijta lagu baacsanayo.
May be an image of 1 person and textMay be an image of 5 people, helicopter and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 5 people, helicopter and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 5 people and people smilingMay be an image of 1 personMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 4 peopleMay be an image of one or more people, people playing American football, people playing football and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here