XUDUR (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta duleedka Magaaladaasi lagu laayay saraakiil badan oo ka tirsan Maamulka Koour-Galbeed.

Dilka saraakiishaan oo tiradooda lagu sheegay ilaa 5 sarkaal waxaa ka dambeeyay kooxda Alshabaab kadib markii ay qarax la heleen gaadiid ay wateen saraakiishaan.

Advertisement

Saraakiishaan ayaa markii miinada lagu qarxinayay waxay gudmad ahaan ugu socdeen ciidamo ka tirsan kuwa koofur-galbeed oo Alshabaab kula dagaalamayay duleedka Magaalada Xudur.

Qaraxa ayaa saraakiisha ku haleelay deegaanka Madooda oo dhanka Koonfur kaga beegan Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-gareen ayaa ka hadlay qaraxa iyo geerida saraakiisha isagoona ku tilmaamay geesiyaal xiligaasi gurmad ugu socday ciidamada kale ee dagaalka kula jiray Alshabaab.

Madaxweyne Lafta-gareen wuxuu tacsi u direy qoysaskii ay ka geeriyoodeen saraakiishaan.

“Dagaalka saaka Alshabaab waxaa looga dilay loogana dhaawacay qaar ka mid ah maleeshiyaadkooda,sidoo kale waxaa laga soo furtay hub badan”ayuu yiri Madaxweyne Lafta-gareen  oo intaasi sii raaciyay inay sii wadi doonaan dagaalada ka dhanka ah Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here