Wafdi sare oo ka socda Taliska Tababarada & Doktoriinka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), una hoggaaminayo Taliyaha Taliska Tababarada & Doktoriinka, ayaa safar shaqo oo muhiim ah ku tagay dalka Turkiga.
Ujeeddada safarkan ayaa ahayd xoojinta iyo horumarinta aqoonta tababarada ciidamada, si CXDS loogu diyaariyo inay noqdaan ciidan casri ah oo la jaanqaadi kara nidaamyada iyo xeeladaha cusub ee ciidamada caalamka, gaar ahaan kuwa Afrika iyo Aasiya.
Intii uu wafdigu ku sugnaa Turkiga, waxay booqdeen xarumo tababar oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
✅ Talisyada tababarka ee ciidanka dhulka
✅Kulliyadda Layliga Saraakiisha
✅ Dugsiyada Madaafiicda & Gantaalaha
✅ Dugsiga Isgaarsiinta
✅ Xarunta Carbisyada Ciidanka
✅ Dugsiga Tababarka Ciidamada Gaarka ah & Dallaayadaha (Special Forces & Airborne Training School)
✅ Dugsiga Tababarka Komaandooska
Kulamo ay wafdigu la qaateen saraakiisha Turkiga ayaa lagu lafaguray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca tababarka, sare u qaadidda tayada ciidamada, iyo la jaanqaadidda hababka casriga ah ee dhismaha iyo hawlgalinta ciidanka.May be an image of 4 peopleMay be an image of 8 people and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 8 people and text that says "PATEE DOKTRIN KARA KUVVETLERİ EĞİTİM EİTİMVEDOKTRİN VE DOKTRİN KOMUTAN"May be an image of 6 people and textMay be an image of 8 people and the Tomb of the Unknown SoldierMay be an image of 6 people and textMay be an image of 10 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 2 people and text that says "HD"May be an image of 2 people and people studyingMay be an image of 6 people and textMay be an image of 6 people and water heaterMay be an image of 6 people, monument and text that says "II"May be an image of 6 people and text that says "MEBS OKULU VE EĞİTİM MERKEZİ KOMUTANLIĞI 1機"May be an image of 6 peopleMay be an image of 13 people and textMay be an image of 8 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 7 people and textMay be an image of 6 people and textMay be an image of 12 peopleMay be an image of 4 people and ocotillovMay be an image of 3 people and textMay be an image of 3 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here