Saraakiisha ammaanka maamulka Puntland ayaa tegay Xabsiga Gaalkacyo oo dhawaan ay weerarewn dabley hubaysan.

Masuuliyiinta ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha qeybta boliska gobolka mudug G/Sare Maxamud cabdixakin yusuf iyo Gudomiyaha Gobolka Mudug oo uu hogaminayo Taliye Ku-xigeenka 2aad ee Ciidanka Asluubta Maamulka Puntland Sarreeye Guuto Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo guddiga nabadgelyada gobolka Mudug waxaana ay u kuurgaleen xaaladda xabsiga dhexe ee Magalada galkacyo.

Advertisement

Sarreeye Guuto Cabdulqaadir Axmedkhayr oo ay weheliyaah Gudomiyaha Gobolka Mudug Faysal sheekh cali iyo Taliyaha qeybta boliska gobolka mudug G/Sare Maxamud cabdixakin yusuf ayaa ugu horrayn Taliska iyo ciidanka xabsiga dhexe ee gobolka Mudug uga mahadceliyeen shaqada ay u hayaan dalkooda.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale mid kamid ah xarumaha caafimaadka ee magaalada Galkacyo ku booqday askari ku dhaawacmay dhacdadii xabsiga iyagoona warbixin ka dhegeystay howl wadeenada caafimaadkiisa la tacaalaya, waxayna balanqaadeen in dowladdu gacanta ku haynayso xaaladoda caafimaad.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here