KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo deegaanka Buulo-Xaaji ee Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay aagaasi ay iska soo dhiibeen saraakiil Alshabaab ka tirsanaa.
Saraakiisha Ciidamada ee ku Sugan deegaanka Buulo-Xaaji ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka  iney isa soo dhiibeen afar Ka Mid ah saraakiisha Alshabaab u qaabilsanaa deegaanka Buulo-Xaaji iyo tuulooyinka kudhaw-dhaw.

Warbaahinta Dowlada waxay balan qaadeen inay dib ka soo gudbin doonaan warbixin dheeraad ah oo ku saabsan saraakiisha isasoo dhiibtay.
Dhanka kale dadaal ay Dowladu sameysay ayaa suurtagaliyay in shacabka ku dhaqan deegaanka Buulo-Xaaji oo Kismaayo ku dhaw ay helaan adeega internetka oo mudo aysa arkin madaama alshabaab ay maamuli jireen deegaanka islamarkaana aysan ogoleyn wax internet ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 3 people and grass
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here