AADAN YABAAL (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in macawisleyda Degmada Aadan Yabaal inay fuliyeen howlgal qorsheysan oo ay ku dileen laba sarkaal oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab.
Howlgalkaan oo aan diyaarad lagu fulin ayay macawisleydu waxay wadada ugu galeen saraakiishaan iyo ciidamo la socday kadib markii ay heleen xogta socdaalka kooxdaasi ee duleedka Degmada Aadan Yabaal.
Wararku waxay tilmaamayaan inay labada sarkaal iyo maleeshiyaadka la socday ay ku socdaalayeen mootooyinka labada lugood leh ee loo yaqaan Fekon-ta waxaana jidka u galay macawisleyda reer Aadan Yabaal kuwaasoo isla goobta ku khaarajiyay labadaasi sarkaal.
Saraakiisha Alshabaab laga dilay waxaa ku jira mid caan ka ah Gobolka Shabeelaha dhexe oo lagu magacaabo Aweys Burqaate,waxayna Macawisleydu Degmada Aadan Yabaal geeyeen mootadii sarkaalkaasi watay iyo hubkii labada sarkaal wateen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM