Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u   qaabilsan  dalka Isu Tega Imaaraadka Carabta Danjire Xuseen Xalane ayaa la magacaabay February 9, 2024, sanadkii dhamaaday  waxa uuna ku soo kor dhiyay safaarada Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta wax qabad la taaban karo mudadii sanadka ahayd ee uu joogay Safaaradaas, waxa uuna is badal muuqda ku sameeyay adeega safaarada  dadka Soomaliyeed ee ku Nool Dalkaasi oo ah Dal muhiim u ah isku socodka Soomalida iyo ganacsiga dadka Soomaaliyeed ee Caalamka.

Advertisement

Wasiirkii hore ee Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane ahna siyaasi Rug cadaa ah, ayaa markii loo magacaabay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u  qaabilsan  dalka Isu Tega Imaaraadka Carabta horaantii Sanadkii hore, waxa uu wax badan ka badalay xaalada safaarada Somaliya ee Dalkaas, asaga oo Xiriiro kala duwan oo Usbuucle ah la yeesho Somalida ku Nool dalkaas si uu uga xog wareesto xaaladooda iyo wax dhibaato ah hadii ay kala kulmaan Dalkaasi Xiliyada ay joogaan magaalooyinka dalkaasi ama kuwa soo galaya iyo kuwa ka baxaya oo u badan Ganacsato Soomaaliyeed oo dalkaas ka shaqaysata.

Danjire Xuseen Xalane ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in Somalida ku Nool dalkaasi uu u yahay dalkoodii oo kale, maadaama Dalkaas uu yahay Dalkii ugu horeeyay ee Ganacsi ka abuuraan dadka Soomaaliuyed markii ay Bur burtay Dowladii dhexe ee Soomaaliya 35 Sano ka hor.

Danjire Xalane ayaa Sidoo kale waxa uu ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta iskaashiga labada waddan iyo horumarinta danaha labada dowladood ee Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Xiriirka Muqdisho iyo Dubai ayaa haatan ah mid wanaagsan, wuxuuna sii xoogeystay dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh ee 15-kii May ee sanadkii 2022-kii.

Imaaraadka ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna ka fuliyaa mashaariic kala duwan, isaga oo sidoo kale taageeta Ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale Maxamed Jaamac oo ka mid ah Ganacsatada ku Nool magaalada Dubai ayaa ka hadlay xaalada Dalka UAE iyo Safaarada Soomaaliya ee uu Safiirka ka yahay Danjire Xuseen Xalane wax qabadkii Sanadkii  uu safaarada joogay Danjire Xuseen Xalane.

“ Waxaan Oran karaa Danjire Xuseen Xalane  waxa uu ku soo kor dhiyay safaarada Soomaaliya ee Isu Tega Imaaraadka Carabta, wax badan isku duubnaasho iyo in Somalida ku Nool dalkaan ay iska war qabaan oo Howshii safaarada looga baahdo in loo qabto xili kasta oo shaqaalaha safaarada  ay ka jawaabaan Taleefanada Xili kasta oo muwaadinka Soomaaliyeed uu u baahdo safaarada, waxa uuna na soo Xasuusinayaa Shaqada Danjire Xalane  Erayo ku qoran   Pasaporada caalamka oo  Qaarkood ku Qoran yahay ( Muwaadin ha wel welin waan kula joognaa meel kasta) oo macnaheedu yahay in muwaadinkaas ay diyaar u yihiin shaqaalaha safaarada ka bilaaw Safiir ilaa kan ugu hooseeya shaqaalaha safaarada ” ayuu yiri Maxamed jaamac oo ka hadlayay xaalada Danjire Xuseen Xalane   iyo wax qabadkiisii Sananadka uu joogay safaarada.

“ Waxa uu ku suntan yahay Danjire Xuseen Xalane   wanaag iyo Umada dagan dalka UAE in uu isku keeno una yahay safiir aan kala jeclayn dadka oo aysan ku jirin Nin jeclaysi, waxaana Saafaarada iyo shaqaalaheeda ay yihiin kuwa 24 saac u shaqeeya Bulshada Soomaaliyeed, waana uga mahaad Celinaynaa Danjire Xuseen Xalane   oo aan dhihi karo waa waaya arag siyaasi ah oo dad Jecel Safiir wanaagsana ah”ayuu mar kale yiri Ganacsade ka hadlayay xaalada Safaarada Soomaaliya ee Imaaraadka iyo shaqada culus oo uu wado Danjire Xuseen Xalane  .

Abdihakim Elmi Hassan

Nairobi Kenya

Tel+2524-711830393

Email-Cabdixakiin441@hotmail.com

 

 

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here